Group Hero

Somalis

social.group.members

Meet Somalis from all over the world 🌍 Share your journey and exchange stories with a global community that feels like home.

Share group

Ya joogo oo somali ah meshan😂

social.contentViewer.likes
1
Share

Haddii telefoonkaagu sirtaada sheegi lahaa, ma tuuri lahayd mise waad damin lahayd? 👀

social.contentViewer.likes
Share

Asc qaraabo

social.contentViewer.likes
3
Share

Afur wanagsan 😊

social.contentViewer.likes
Share

Inaad noqoto qof wax-soosaarlehi waa lagama maarmaan. Qodobada aasaaska ah ee aynu ka sheekaysan Karno waxa kamid ah: Qaadista mas’uuliyaddaada, In aanad u tiirin fashilkaaga waxyaabaha aan la arkin haddii aad dedaali waydo,run u sheegidda nafta, yeelashada rabitaan adag, maamulidda wanaagsan ee habdhaqanka, qaamuus kasaaridda quusta si loo joogteeyo iskudayga iyo maamulidda cadhada. Intaa haddii aad ku guuleysato waxaad dhabbaha saaraysaa noqoshada qof waxsoosaarleh. Qodobadaas oo faahfaahsan waxa kamid ah:

Qaado mas’uuliyadda: Midda koowaad ee lagu horumarin karo nafta waa in qofku uu qaado mas'uuliyadda buuxda ee ficilladiisa, isaga oo qiranaya khaladaadkiisa halkii uu cudurdaar u raadin lahaa. Waa in laga fogaado in eedda dusha laga saaro dadka kale, qoyska, ama xaaladdaha nolosha.
Ha u tiirin fashilka waxyaabaha aan la arkin: Ha ku eedayn guul-darradaada ama dhibaatooyinka nolosha waxyaabaha "supernatural-ka" ah sida isha, sixirka, ama jinka, waayo suurtogalnimada in waxyaabahaasi ay noloshaada xukumaan aad bay u yar tahay. Sidoo kale, ha ka dhigin riyooyinka wax go'aamiya noloshaada, waayo riyadu maaha waxyi ama qur’aan.
Run ka sheeg naftaada: Waa inaad noqotaa qof daacad u ah naftiisa oo aqoonsada ceebihiisa iyo meelaha uu ka liito si aad u hagaajiyo. Markaad aqbasho inaanad dhammaystirnayn, kalsoonidaada naftu waxay kor ugu kacaysaa si weyn markay aqbasho.
Yeelo rabitaan adag (Willpower): Adiga ayaa ah qofka keliya ee go'aan ka gaadhi kara inaad wax barato, dhisato noloshaada, ama aad ka kacdo hurdada; hooyadaa iyo aabbahaa kuma qasbi karaan haddii aanad adigu go'aansan. Waa inaad isku xidhaa dadka leh himilada sare iyo kuwa wax-soosaarka leh si aad wax uga barato.
Maamul hab-dhaqankaaga: Ha noqon qof uun ka fal-celiya (reactionary) waxa ku dhaca, balse noqo qof is hagaajiya. Niyad-sami (motivation) ha sugin, ee baro inaad naftaada edbiso (discipline) oo aad qabato waxa loo baahan yahay xataa haddii aad dareento caajis.
Ha quusan oo isku-day mar kale: Haddii aad fashilanto, ha is-dhiibin ee isku day markale, waayo guul-darradu waa cashar lagu barto hababka aan wax u shaqayn. Muslimka xoogga leh wuxuu dhammaystiraa wixii uu bilaabo isagoo aan kala badh uga tegin.
Maamul cadhada: Baro xeerka 90-ka ilbidhiqsi; markaad cadhootid, jidhkaaga waxaa ka dhasha kacdoon kiimiko ah oo soconaya mudadaas, haddii aad aamusnaato ama aad is-celiso, cadhadu way degaysaa.
Go’aanka aad subax kasta ku kacdo ee ah inaad ahaato qof firfircoon ama mid waxsoosaarleh wuxuu saameyn weyn ku leeyahay noloshaada iyo dadka kugu xeeran.

Ugu danbeyn, Xabiibkeennu Sallallahu calayhi wasallam wuxuu innagu dhiirigeliyey dedaal iyo inaynu Ilaahay talo saaro oo aynaan caajisin.

Tixraac:

Muxaadaro: How to Become a Productive Muslim: Complete Self-Improvement Guide | Sh. Belal Assaad

Guuleyso!

social.contentViewer.likes
1
Share

Afkaarty ku doodayaan insanku ma yeeli karo 💕🫶

Share

For us sis! @nagmaay I don’t know if you heard it or not but it came to my mind and thought about our earlier discussion we had about being short women. I grew up listening to this song because of my mother💕

Heesta Waa kula guuraaa - Lyrics

Aways
Gooskaad iga gaartay
An waan ku gaclooday
Guuraan rabaayee
Gaabsi kaama doonee

  Wada jir

Garab isiiyee -- iguursee
Gurigee imaawee - Waan kula guuraa

Amina camari
Makaa geed galaaye
Anba waan gareeste
Geesiyoo gadaasha
Layma guurihaaye

Waan ku gartee .. Hugaasleeyaa
inaad igaclootay .. hugaasleeyaa

Aways.
Gabar hadii
Gacalkaa galaayo
Ha gaabnaatee
Ha gaduudanatee

Garab isiiyee --iguursee
Gurigee imaawee - waan kula guuraa

Amina camaari
Ganiyaal hadii
layla soo gacaloodee
Gacalkee adi lee
Gacantaada ku gooyhee

Waan ku gartee .. Hugaasleeyaa
inaad igaclootaye .. Hugaasleeyaa

Aways
Waa kuula go'aayee
Geekaaga iga nuuji
Wax kastoow Gaclootaan
Gurigiina keenaa

Garab isiiyee - iguursee
Gurigee imaawee - waan kula guuraa

Aamina camaari
Gibilkee gibilkiisow
makaa ganbahaayee
godaan kula galaaye
Guulo miihis yiraahdee

social.contentViewer.likes
14
Share

"Markaa dhalinyaro tihiin oo is guursanaysaan uma baahnidiin xaflad iyo aroos weyn ama hebal/heblayo arooskii qarniga ayeey dhigteen Lacagta aad halkaas ku lumineysaan waxbaa ku qabsan kartaan lagga yaabee lacagtaas badh inuu deyn ku keenay wiilka markii la eego qof Soomaaliya jooga oo dhaqaallo badan jirin 10–15k malayacni ma wacna inay idin kaga baxdo,

"Wiilkuna gabdhisa hawshi isaga usameeya farxaddeeda awadeed imisa ayaa la arkay aroos hal habeen lagu gubay lacag qayr ka bax ah subaxnimaddiina wiilku usan kun shilin haysan saxiibaddiina waco sxp biil ma hayee bal wax isoo dir Quruux iyo sumcad midna idiin ma aha dad aan idin ogena ha u qurxinina habeenkiinna ee keed yeesha inaad kayd leedihiin aad bay u wanaagsan tahay.

"Lacagta aad arooska ku khasaarineysaan waxa habboon dalxiis iyo gurigiinna cusub ku quruxsataan cimro aadda guri kiro haddii aad dageysaan inaad 6 bil contract la gashaan lacagta iska sii bixisaan si aysan bilaha ugu horreeya kugu adkaan ugana fikirin kirada wiilkuna inuu fasax qaadan karo shaqadda 2–3 bil waqti qaadan kartaa usana u baahnayn inuu soo shaqeeyo idinkoo kaydkiinna muddadaas isticmaaalaya

"Sidoo kale gabadhadda/xaaskaagga ah waa inaad ka farxiso dahab iyo waxey marka u baahan tahay u iibiso maadaama ay masuuliyadda kula gartay unna mahadceliso wax badan.

Gunaanadka:

Dhalinyaro dhaldhalalka yar waa laga baxayaa garta mustaqbal dheer iyo safarka nolosha idiin sugeysa iskana ilaaliya maxaa iga galay waa hagrasho iyo xaasidnimo mana fiicna wallaahi Waa wax foolxun xaasidnimo iyo hagrasho inaad ku noolaataan marba haddaad qofkan nafta ag dhigatay oo midoowdeen nafta isku hura kalgacal ku noolaadda

"Gabadhaan dhalinyarada ah ayaa dhahday sidaan Maxay kula tahay adiga.?

AHMEd

social.contentViewer.likes
6
Share

Barito oo isniin ah insha Allah arafo waa kow malmihi fadliga badnaa ayaa inoo bilabanayo halaga faa iideysto ducada hala badiyo insha Allah ana yaan la iga iloobin ducada 🤲

social.contentViewer.likes
1
Share

Meshan ya re Kampala ah oo jogo

Share