
social.group.members
Marriage is half our Deen 🤲 From wedding planning to relationship and marriage advice, share all your marriage related experiences here with our friendly community ❤️
Slm
Waxaad Tahay Riyo Uu Qof Kale Ku Taamayo
Malaha taasi adigu ma ogid, laakiin waa xaqiiqo dhab ah oo aanad waligaa ku fekerin. Meel ka mid ah dunidan iyo xilligan la joogaba, waxaa jira qof si weyn u hammiya inuu noqdo adigoo kale, oo uu booskaaga joogo. Wuxuu kuu arkaa inaad haysato wax isaga ka maqan; wuxuu kuu arkaa inaad ku dhex jirto riyo uu isagu habeen iyo dharaar u ordayo sidii uu u xaqiijin lahaa.
Adigu waxaad haysataa wax aysan dad badani haysan. Waxaad ku nooshahay nolol ay dad badani ku riyoodaan, taas oo dadka qaar u ah duco weli u dhiman inuu Alle ka aqbalo.
– Marka aad habeenkii seexato adigoo nabad iyo raaxo ku jira, ogow inay jiraan dad aan indhaha isku qaban xanuun dartii. Waxay gacmaha kor ugu qaadayaan samada iyagoo Eebbe ka baryaya inay hal habeen u seexdaan sidaada oo kale—in jirkoodu nasto, xanuunkuna daayo
– Marka aad halkan iyo halkaas u socoto, waxaa jira qof aan awoodin inuu xitaa istaago, iska daa inuu socdee. Wuxuu hammiyaa inuu hal maalin oo keliya u noolaado sidaada, isagoo ku socda addimo fayow.
– Waxaa jira kuwo aan ubad haysan, kuwo aan wehel (xaas) haysan iyo dad badan oo kale oo aan haysan waxa aad adigu haysato.
Bal kawaran, inaad ku nooshahay nolol ay dad badani u hammuun qabaan, noloshaadaasna ay tahay mid qof kale u arko inay tahay wax aan marnaba la gaadhi karin.
Saaxiib, Mararka qaar ma garano qiimaha waxa aan haysano, halka ay jiraan dad ku hammnaya inay hal ilbidhiqsi oo kaliya nolosheena oo kale galaan. Waxaa jira kuwo ku taamaya hurdo xanuun la'aan ah, ama socod aysan dhib ka marayn, ama inay hantiyaan waxa aan annaga u aragno inay yihiin wax iska caadi ah oo aan maalin kasta helno.
Haa, qof kasta imtixaan baa horyaalla, laakiin dhinaca kale qof kastaa wuxuu dhex dabbaalanayaa nimcooyin badan oo laga yaabo inaanu dareensanayn. Sidaa darteed, noloshaada ha barbar dhigin dad kale, balse u kuur-gal waxa aad adigu haysato, uguna mahadnaq Eebbe. Wax kasta oo aad haysato, waxaa jira qof kale oo u arka riyo aan rumoobi doonin.