
social.group.members
Meet Somalis from all over the world 🌍 Share your journey and exchange stories with a global community that feels like home.
Eid mubarak ciid mubara isakaso dhiba😂
Eid mubarak ✨️ 🎉 Alle aya mahad iska leh nawaafajiye ina kafaaidesana malmihi barakeesna iyo saladi Eidul-Adha. Alle hanaga aqbala acmasha salixa iyo ducoyinkena dhamaan🤲
Maxaan sameeyaa maalinta carafa
Sifiican qoraalkan u akhriso dhaqan galina waad ku faaiidi dontaa insha allah
Xilli hore seexo
Suxuurta u kac ilaahay iyo malaa’igtiisaba ruuxa suxuuranaya way u duceeyaan.
Suxuurta kadib afar rakcadood tuko ilaahayna weydiiso kheyrka adduunyo iyo ka aakhiro iyo inuu maalinta carafa ku waafajiyo
Kadib waxooga istiqfaarso si dadka xilliyadaas dembi dhaafka weydiista laguugu daro
Isku diyaari salaada subax, hadaad jamaacad ku tukan karto kaba fadli badan(ragga)).
Weysayso oo dembi dhaaf u niyeyso intaad niyada soo xaadiriso
Akhri ducooyinka weysada kadib
Ka daba akhri aadaanka xilliyada salaadaha
Salaada subax kadib haka kicin meeshaad ku tukatay illaa cad ceedu soo baxayo
Akhri qur’aan salaada subax kadib
Salada shuruuqa hadad tukato waa cumro dhamaystiran labadaa rakcadood
Takbiirtii bilow salaada subax kadibba sidii rasuulka naga soo gaadhay sallallaahu calayhi wasallam.
Ku Salliga rasuulka sallallaahu calayhi wasallam ha iloobin
Akhriso adkaartii subaxda
Ha iloobin inaad sadaqo la baxdo hadaad awoodo
Inaad hawlaha xaafada ka caawiso intaan duhurka la gaadhin
Duxadii tuko ugu yaraan laba rakcadood
Waxaad kartaa maalintaas oo dhan inaynan sikin ku dhaafin ood soo jeedo iyo inaad laba saacadood seexato una niyooto inaad u nasanayso saad si fiican u cibaadaysato hadhaw
Kadib duhurkii kutukato jamaacad xili horena masjidka siigal si aad sunihii faralka ka,horeeyay utukato.
Badi ku cel celinta
إله إلا الله وحده لا شريك له.. له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير،
Casarka tuko
Adkaartii galabta akhriso
Takbiirtii ha iloobin
Si,aadan u caajisin cibaadaadka isku bad bedel, mar qur’aan, mar duco, mar adkaar…….
Hana iloobin inaad xasuusataan eheladeenii iyo dhamaan mawtaatkii muslimiinta inaad u ducaysaan
Waxaanan idiin rejeynayaa maalin wada cibaado iyo kheyr ah.
⏺️ Laasii wadaag walaalahaa kharka
Barito oo talada ah insha Allah waa fcnhy maalinka 9 ee carafa qofkii sooma wuxuu leyahay dambidhaaf 2 sano ah marka halag faa iideysto axbaabii 💗